Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Image

Muqdisho – Turkiga ayaa Soomaaliya ku maalgeliyay in ka badan hal bilyan oo doollar oo gargaar iyo mashaariic horumarineed ah, isaga oo sidoo kale xoojiyay iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Labada dal ayaa leh xiriir dhow oo istiraatiiji ah, waxaana Turkigu door weyn ku leeyahay mashaariic muhiim ah oo Soomaaliya ka socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin maamulka iyo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo xiriirka dhow ee labada dal, muwaadiniinta Soomaaliyeed weli kama faa’iideysan karaan nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (e-Visa) ee Turkiga, waxaana looga baahan yahay inay codsiyada fiisaha ku gudbiyaan safaaradaha ama qunsuliyadaha Turkiga.

Turkiga ayaa sidoo kale sii xoojinaya iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya ee dhinaca tamarta, iyadoo uu dalka u soo diray markab qodis shidaal sameeya oo sahamin ka wada xeebaha Soomaaliya. Labada dal ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiisyo la xiriira sahaminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay. Turkiga ayaa hadda maamulaha ilaha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, sida Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Dekada, Kalluumeysiga iyo qodista Shidaalka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM