Turkiga oo markab kale usoo diraya xeebaha Soomaaliya

Image
Qorshahaan ayaa qayb ka ah dedaalada xoojinta joogitaanka Turkiga ee Qaaradda Africa.

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa inay bisha 9aad ee sanadkaan ay Markabka cilmi baarista & sahminta sameeya Oruc Reis, usoo dirto baloogyada saliidda ee ku yaalla biyaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay warbaahinta Bloomberg.

Qorshahaan oo qayb ka ah dedaalada xoojinta joogitaanka Turkiga ee Qaaradda Africa ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Xaashi sheegay inuu yahay mid lagu sahmin doono Saliidda kujirta xeebaha Soomaaliya.

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa Turkiga la gashay heshiis ciidamada badda dalkaasi ku ilaalinayaan ammaanka xeebaha Soomaaliya xilli uu sii xoogaysanayo damaca Itoobiya ku doonayso inay qayb ka hesho xeebaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM