Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, oo ay hadda uga hartay muddo bil qura ah dhammaadka muddo-xileedkiisa rasmiga ah, ayaa maanta Villa Somalia ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu horkacayo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Mr. Alparslan Bayraktar.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar-sare, oo uu ka mid yahay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya—kaas oo ah xiriiriyaha rasmiga ah ee Villa Somalia iyo Turkiga—ayaa daba-socday imaatinka markabka weyn ee shidaalka baara ee Çağrı Bey.

Markabkan ayaa hadda soo gaaray dekadda magaalada Muqdisho oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay, si uu u bilaabo hawlgal taariikhi ah oo lagu baarayo khayraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.

Imaatinka markabkan iyo dardargelinta heshiisyada tamarta ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah:

Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kasii dhamaanaya muddo-xileedkoodii sharciga ahaa oo uga hartay bil iyo maalmo yar.

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

Khubarada iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in dowladda Turkigu ay u muuqato mid iska indho-tireysa dooda ku saabsan mudo kordhin suurtagal ah iyo khilaafyada ka taagan hannaanka doorashooyinka ee aan weli heshiiska lagu ahayn.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Turkigu ku xoojinayo saameyntiisa istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, isagoo ku kalsoon saaxiibtinimada fog ee uu la leeyahay hoggaanka hadda jira ee Villa Somalia, xitaa iyadoo dalku galayo xilli kala guur ah.

"Imaatinka markabka Çağrı Bey waa guul weyn oo laga gaadhay iskaashiga labada dal, balse xilligan uu soo beegmay waxay dhalisay su'aalo badan oo ku saabsan mustaqbalka heshiisyadan haddii isbedel siyaasadeed yimaaddo," ayuu yiri mid ka mid ah falanqeeyayaasha ku sugan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM