Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan
Muqdisho (GO) – Dowladda Turkiga ayaa lagu soo warramayaa inay Soomaaliya ka hirgelinayso xarun lagu rido gantaallada hawada sare iyo goob lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer, taas oo sare u qaadaysa doorka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ee qorshayaasha milatari iyo tiknoolajiyadeed ee Ankara.
Warbixin uu daabacay wargeyska Faransiiska ee Le Monde ayaa sheegtay in mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay dabayaaqadii sanadkii 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda iyo hawada sare ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, uu dhab ahaantii yahay natiijada maalgelin siyaasadeed, militari iyo dhaqaale oo Turkigu muddo ka badan toban sano ka waday Soomaaliya.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo awoodda barnaamijkiisa gantaallada riddada dheer, taas oo kordhin karta saameynta istaraatiijiga ah ee Ankara ee gobolka iyo Bariga Dhexe.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo mucaaradka Soomaaliya ay ku eedeynayeen Turkiga inuu si toos ah faraha ugala jiro arrimaha siyaasadda dalka, isla markaana uu safka hore kaga jiro dalalka taageeraya in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu sii hayo xukunka, iyadoo uu jiro muran siyaasadeed iyo khilaaf la xiriira hannaanka doorashooyinka.
Mucaaradka ayaa hore u sheegay in taageerada siyaasadeed iyo tan amni ee Ankara ay xoojinayso hal dhinac oo siyaasadeed, taasoo ay ku tilmaameen inay wiiqayso nidaamka federaalka iyo wadatashiga siyaasadeed ee Soomaaliya.
Haddii warbixintan la xaqiijiyo, mashruuca cusub ayaa Soomaaliya ka dhigaya goob quwado Shisheeye ku haradamaan taasoo kor u qaadaysa doodaha ku saabsan saameynta quwadaha shisheeye ay ku leeyihiin siyaasadda iyo amniga dalka.
Sidoo kale, arrintan ayaa sii xoojin karta qorshayaasha Israa’iil ka leedahay Soomaaliya, oo dhowaan sheegtay inay aqoonsatay Somaliland oo dhacda marinka Badda Cas.
GAROWE ONLINE