Turkiga oo Soomaaliya ka hirgelinata deked ku kaceysa $70 milyan

Image
Marsadan oo inta badan martigelin doonto ganacsiyada ayaa qiyaastii 435 mayl waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Magaalo xeebeedka Hobyo ee Soomaaliya waxaa bisha December ka bilaaban doona dhismaha deked cusub taasoo la sheegay in ay diyaar ku noqon doonto muddo saddex sano ah gudaheeda ah.

Metag Holding, oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo fadhigeedu yahay magaalada Ankara, ayaa la shaqayn doonta Hobyo Investment Co si loo hirgeliyo dekedda.

Marsadan oo inta badan martigelin doonto ganacsiyada ayaa qiyaastii 435 mayl waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho, sida uu sheegay wakiilka shirkadda Mohammed Ali Warsame.

Shirkaduhu waxay u qoondeeyeen 70 milyan oo doolar wejiga koowaad ee mashruuca. Waa dhaqaale la sheegay in badankeeda ay bixinayaa ganacsatada degaanka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta u dhalatay gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM