Turkiga oo war cusub kasoo saarey wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Wasiirada arrimaha dibadda labada dal ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay dhigooda Turkida.

MUQDISHO, Soomaaliya -Turkiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada ay ku dhexdhexaadinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya, si looga gudbo ismari waaga ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixdeen maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland.

Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa Aqalka Madaxtooyada Turkiga ku leeyahay Magaalada New York kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Somaliya Axmed Macalin Fiqi.

"Hannaanka Ankara wuu sii socdaa, waxaana go'aansannay inaan ka shaqeyno sidii loo heli lahaa xal dheellitiran, macquul ah oo labada dhinacba faa'iido u leh si loo yareeyo xiisadaha jira," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM