Turkiga oo war cusub kasoo saarey wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Wasiirada arrimaha dibadda labada dal ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay dhigooda Turkida.

MUQDISHO, Soomaaliya -Turkiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada ay ku dhexdhexaadinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya, si looga gudbo ismari waaga ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixdeen maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland.

Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa Aqalka Madaxtooyada Turkiga ku leeyahay Magaalada New York kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Somaliya Axmed Macalin Fiqi.

"Hannaanka Ankara wuu sii socdaa, waxaana go'aansannay inaan ka shaqeyno sidii loo heli lahaa xal dheellitiran, macquul ah oo labada dhinacba faa'iido u leh si loo yareeyo xiisadaha jira," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM