Turkiga oo Xaqiijiyey inay Diyaaradaha Dagaalka ee F-16 Geeyeen Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee nooca F-16 u dirtay dalka Soomaaliya, taas oo calaamad u ah kor u kac weyn oo ku yimid iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada dal.
Sida ay werisay majaladda caalamiga ah ee Janes oo ka faaloota arrimaha difaaca, diyaaradahan ayaa hadda fadhi u ah garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo laga diyaariyey hangarro iyo agabka lagama maarmaanka u ah hawlgalladooda.
Tallaabadan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya, iyo taageeridda hawlgallada sahminta shidaalka ee maraakiibta Turkigu ka bilaabeen badaha Soomaaliya.
Keenista diyaaradahan dagaalka ayaa ku soo beegmaysa xilli jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya uu yahay mid kacsan, gaar ahaan todobaadyo ka dib markii dowladda federaalku ay duulaan milatari ku qaadday maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen, oo diidanaa qorshaha doorashada qof iyo codka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa horay u sheegay in ciidanka qaranka ay gaari doonaan gobol kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo awoodda cirka ee Turkiga la rumeysan yahay inay qayb ka qaadan doonto hirgelinta qorshaha dowladda dhexe ee ay ku doonayso inay gacanta ku dhigto xuduudaha iyo amniga guud ee dalka.
GAROWE ONLINE