Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

Image

Muqdisho, Juun 23, 2025 – Ugu yaraan todobaa askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay ciidamada Uganda Axaddii, iyadoo weerarkaasi qeyb ka yahay dagaalka socda ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Askarta la dilay ayaa ka mid ahayd howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo u xilsaaran la dagaallanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaannada ay dowladda Federaalka gacanta ku hayso.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa lagu sheegay in askarta lagu dilay saddex maalmood oo dagaal ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Sabiid oo ku dhaw Afgooye, oo 30KM u jirta Muqdisho.

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli AUSSOM — oo badashay howlgalkii hore ee ATMIS — ay la tacaalayso yarida tirada ciidanka iyo lacag yaraan ba’an, iyadoo bishii Abriil sheegtay in ay u baahan tahay ugu yaraan 8,000 oo askari dheeraad ah, halka ay hadda hayso 11,146 askari.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaalaysay kacdoonka hubeysan ee Al-Shabaab, inkastoo sanadihii 2022 iyo 2023 kooxda lagu riixay dhanka difaaca kadib howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, weerarro dhowaan dhacay, oo ay ku jiraan mid bishii Maarso lagu bartilmaameedsaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud gudaha Muqdisho, ayaa sii huriyay walwalka laga qabo soo kabashada Al-Shabaab iyo xaaladda amni ee sii adkaanaysa ee Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM