Uganda oo qabanaysa shir looga hadlayo howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweyne Museveni ayaa shaaciyay in Uganda martigelinayso 25-ka April shir looga hadlayo howlgalka cusub ee AUSSOM, kaasoo Soomaaliyaka billowday bishii January ee sanadkan.

Madaxda dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Masar oo hadda kusoo biiraysa ayaa la filayaa inay shirka ka qeybgalayaan, waxaana ajandaha qeyb ka ah la dagaalanka argagxisadda gobolka Geeska Afrika.

Al-Shabaab ayaa Geeska Afrika uga wakiil ah Al-Qaacida, oo weeraro ka fulisa, waxayna hogaamiyaasha ku gorfeyn doonaa sidii la isaga kaashan lahaa khatarta Kooxda oo fadhi u ah dalka Soomaaliya tan iyo 2008.

Ciidamada gaaraya 11,000 askari oo dalal kala duwan ka socda ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM, kaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeraya xasilinta goobaha laga saarey Al-Shabaab, iyadoo mudada halka sano ee uu jiro howlgalka la awood-siin doonaa Ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa Uganda Museveni la kulmay shalay, waxayna kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Uganda waa dalkii ugu horeeyay oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya 2007, waxaana ka joogaa in ka badan 4,000 askari oo ilaaliya Garoonka Aadan Cadde, Dekadda iyo meelo kale oo muhiim ah, iyadoo ay kasoo mid noqdeen howgalo dhowr ah oo Al-Shabaab looga saarey goobo Muqdisho ay kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM