Uganda oo qabanaysa shir looga hadlayo howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweyne Museveni ayaa shaaciyay in Uganda martigelinayso 25-ka April shir looga hadlayo howlgalka cusub ee AUSSOM, kaasoo Soomaaliyaka billowday bishii January ee sanadkan.

Madaxda dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Masar oo hadda kusoo biiraysa ayaa la filayaa inay shirka ka qeybgalayaan, waxaana ajandaha qeyb ka ah la dagaalanka argagxisadda gobolka Geeska Afrika.

Al-Shabaab ayaa Geeska Afrika uga wakiil ah Al-Qaacida, oo weeraro ka fulisa, waxayna hogaamiyaasha ku gorfeyn doonaa sidii la isaga kaashan lahaa khatarta Kooxda oo fadhi u ah dalka Soomaaliya tan iyo 2008.

Ciidamada gaaraya 11,000 askari oo dalal kala duwan ka socda ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM, kaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeraya xasilinta goobaha laga saarey Al-Shabaab, iyadoo mudada halka sano ee uu jiro howlgalka la awood-siin doonaa Ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa Uganda Museveni la kulmay shalay, waxayna kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Uganda waa dalkii ugu horeeyay oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya 2007, waxaana ka joogaa in ka badan 4,000 askari oo ilaaliya Garoonka Aadan Cadde, Dekadda iyo meelo kale oo muhiim ah, iyadoo ay kasoo mid noqdeen howgalo dhowr ah oo Al-Shabaab looga saarey goobo Muqdisho ay kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM