Uganda oo xaqiijisay geerida toddobo askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Image

KAMPALA - Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa xaqiijiyay geerida toddobo askari oo ka tirsanaa ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kadib markii ay la kulmeen iska horimaad culus oo ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Uganda ayaa haatan leh ugu yaraan 3,000 oo askari oo qeyb ka ah AUSSOM, kuwaasoo door weyn ka qaatay xoraynta magaalooyin istiraatiiji ah oo ku yaalla Soomaaliya tan iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay. Hase yeeshee, hoos u dhaca tirada ciidamada ayaa si weyn u saameeyay hawlgalka ay Uganda ka waddo Soomaaliya.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Al-Shabaab ayaa kordhiyay cabsi laga qabo in ay dib u soo ceshadaan saameyntoodii gobolka Geeska Afrika, iyadoo howlgalka AUSSOM uu wajahay dhibaatooyin ku saabsan yaraanta ciidamo iyo dhaqaale xumo. Khasaaraha ayaa dhacay kadib markii ciidamada UPDF ay isku dayeen inay dib ula wareegaan buundo istiraatiiji ah oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose.

“Si nasiib darro ah, waxaan ku waaynay toddobo askari intii uu socday dagaalka,” ayuu yiri afhayeenka UPDF, Felix Kulayigye, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dhalinyarada ee Uganda, Taliyaha Guud ee AUSSOM, Lt. Gen. Sam Kavuma, ayaa amaanay dadaalka wadajirka ah ee ciidamada AUSSOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ku guuleystay inay xasilooni ka dhaliyaan magaalooyin muhiim ah.

“Waxaan bogaadinayaa geesinimada ciidamada AUSSOM-UPDF iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dadaalkeena joogtada ah ee lagu wiiqayo Al-Shabaab, looguna gudbayo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliyeed, kaasoo awoodda amniga lagu wareejin doono ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri Kavuma.

Taliyaha Qeybta Koowaad, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in tuulada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah oo Al-Shabaab u adeegsato qorsheynta iyo gaadiidka qaraxyada.

“Tan iyo bishii Maarso, magaaladaasi waxay noqotay meel muhiim u ah argagixisada si ay u qorsheeyaan weerarada, ugu kaydiyaan hubka iyo gaadiidka qaraxyada, isla markaana ugu dhisaan bar-kontaroolo sharci darro ah si ay dadka rayidka ah uga qaadaan lacago baad ah,” ayuu yiri Ssemwanga.

Ilo ciidan ayaa sheegay in markii la xaqiijiyay ammaanka tuulada, ciidamada AUSSOM iyo SNA ay bilaabeen hawlgallo isdabajoog ah oo lagu sifeynayo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaannada ku xeeran degmada Afgooye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM

Soomaaliya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig laga ilaaliyo amniga Baydhabo

Waxaa weli socda dadaallo lagu xoojinayo ammaanka si looga hortago weerarro kale oo kooxdu qorshaynayso inay fuliso.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 11:41AM