UK: Ciidanka Soomaaliya kaligood ma wiiqi karaan Al-Shabaab

Image

LONDON, United Kingdom - Dadaalada milatari ee ciidamadda Soomaaliya wadaan si ay uga guuleystaan Al-Shabaab ma guuleysan doono haddii aysan helin taageerada caalamka, sidda ay sheegtay dowladda Ingiriiska.

Barbara Woodward, ergayga joogtada ah ee UK u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa hadalkan ka sheegtay shir gaar ah oo golaha ammaanka uu shalay ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda siyaasada, amniga iyo bini'aadanimada ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtey Woodward, dowladaha kale ee xubnaha ka ah golaha ammaanka waa in ay kusoo biiraan dadaaladda ay wadaan dowladda Bratin ku jirto ee lagu dhisayo "kartida ciidamada Soomaaliyeed".

"Waxaan sidoo kale ku hanweynahay kuna faaneynaa in aan bixino maalgelinta Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Sanduuqa kalsoonida ee Soomaaliya," ayay raacisay.

Woodward ayaa xustey: "Waxaan ku dhiirigelineynaa dowladaha kale ee xubnaha ka ah [golaha] inay nagu soo biiraan arrintan si ciidamada Soomaaliya ay u horumariyaan tayada iyo tayada ay u baahan yihiin si loo soo afjaro khatarta Al-Shabaab".

"Si kastaba ha ahaatee, dadaalka milatari ee kaligood [ciidanka Soomaaliya] kuma filna dabar-goynta Al-Shabaab. Muddo kordhinta soo socota ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo xeerka 751-ka ee cunaqabateynta ayaa fursad u noqon doonta in golaha ammaanka uu dajiyo qaabka ugu hufan ee loola shaqeyn karo ATMIS si loo taageero Soomaaliya loogana guuleysto Al-Shabaab," ayay kusoo gabagabeysay.

UK ayaa kamid ah dowladaha safka hore uga jira tababarida ciidamadda Soomaaliya. Saldhiga ay ku leeyihiin magaaladda Baydhabo ayay ku tababaraan cutubyo kamid ah milarigga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM