UK oo askar si gaar ah u tababaran u soo direysa Soomaaliya

Image

LONGON, UK - Britain ayaa waxay qorsheyneysaa in Soomaaliya ay u soo dirto 250 askari si gaar ah u tababaran. Tallaabada waxaa qorshuhu yahay in la qaado 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda. Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreeyay oo Soomaaliya loosoo diro ciidamaddan loo yaqaano "Ranger Regiment".

Talaabadan waxay beegmaysaa bilo kadib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee loo garan ogyahay, SAS, General Sir Mark Carleton-Smith, kaasoo hadda madax ka ah guud ahaan ciidanka Ingiriiska oo kamid ah kuwa ugu fiican aduunka.

“Waxaan rabaa in aan arko iyadoo ciidamadda gaarka ah loo daadgureynayo bariga Afrika si ay u taageerto saaxiibadeena gobolka ee Bariga Afrika," ayuu ka dhawaajiyey Jeneraal Smith, sida ay kasoo xigatay majaladda The Express oo daabacdey warbixinta ku saabsan in ciidan British ah loosoo dirayo Soomaaliya.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in go'aanka ciidamadda gaarka ah ee UK uga howlgalayaan Soomaaliya looga dhawaaqi doono shir-madaxeedka dalalka G7 ee qorshuhu yahay in bisha dambe uu ku qabsoomo Jaziiradda Cornwall halaasoo ay tagayaan madaxda wadamada wadamada ugu horumarsan dunida.

"In kasta oo uu cadeeyay halka loo dirayo iiyo goorta, haddana ilo wareedyo ayaa xalay xaqiijiyey in ciidamadan la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku bari doonaan ciidamada gaarka ah ee dalka Soomaaliya qaabka looga hortago xeeladaha kacdoonka si ay uga adkaadaan Al-Shabaab," ayay raacisay Jariirada.

Jeneraal Smith ayaa rajeynaya in talaabadan ay askarta ugu dirayaan Soomaaliya ay horseedo ciribtirka maleyshiyada Al-Shabaab iyo xasiloonida dalkan dhaca Geeska Afrika.

"Ciidamadeena waxay badali doonaan dhigooda gaarka ah ee Mareykanka ee tababarada siin jiray ciidamada Soomaaliya," ayay The Express kasoo xigatay illo ka tirsan milatariga UK oo intaas ku daray "Waxay noqon doontaa mid adag, laakiin Rangers ayaa loo sameeyay doorka noocan oo kale ah".

Askarta Mareykanka ayaa ka hayaamay Soomaaliya horaantii sanadkan 2021, waxaana go'aankaas qaatay maamulkii Donald Trump oo ciidanka u wareejiyay Jabuuti iyo Kenya.

Ciidamada Britain ee jooga Soomaaliya ayaa fariisinkooda ugu weyn marka laga soo tago Muqdisho waa ismaamulka Koonfur Galbeed halkaasoo howlgalo ay ka fuliyaan howlgal ay ku caawiyaan kuwa Soomaalida kuna tababaraan askarta dowlad goboleedka oo isugu jira booliska, milatariga iyo Daraawiishta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM