UK oo baaq kasoo saartey sharci horyaala baarlamaanka Soomaaliya

Image
Safiirka dowladda UK ee xuquuqda aadanaha Rita French ayaa sidoo kale waxay ka hadashay Doorashada Sacdiya Samatar.

LONDON, UK - Safiirka dowladda UK ee xuquuqda aadanaha Rita French oo hadal ka jeedisay kulan weyn oo xuquuqul insaanka looga hadlayay, kana dhacay magaalada Ganeva ayaa ka hadashay aragtida dowladda UK ee Soomaaliya. 

Rita ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in si nabad ah lagu soo gabogabeeyay doorashooyinkii dhowaa ee Soomaaliya, markii ugu horeysayna ay hoggaanka dalka ugu sareeya soo galeen dumarka.

Xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka ayaa loo doorgay Sacdiya Samatar, inkasta oo qoondadii dumarka ee 30% aanan la xaqiijinin.

Samatar oo laga soo doorto degaaandda maamul goboleedka Puntland ayaa noqotey haweenaydii ugu horeysay ee Soomaaliya ka qabata xil noocaas oo kale ah.

Danjiraha ayaa Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ugu baaqday in ay dadajiyaan sharciga xuquuqda aadanaha, kan xadgudubyada jingsiga, kan gudniinka fircooniga ah quseeya iyo waliba kan xuquuqda carruurta.

Dowladda Ingiriiska ayay tibaaxdey in ay aad uga walaacsantahay xaaladaha abaarta, iyo weerarada kooxaha argagixisada. Xukuumadda London waxay kamid tahay saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowlad-dhiska Soomaaliya.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya. Kooxda hubeysan waxay haatan wajahaysaa kacdoon shacab oo ka curtey bartamaha Soomaaliya gaar ahaan xooggiisa uu hada ka soconayo gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM