UK oo balanqaad u samaysay madaxweynaha cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

“Hambalyo Hassan Sheekh Mohamud oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan rajaynayaa in aan sii wadno anaka oo sida dhow ugala shaqaynayna taageerto dhismaha xasiloonida, la dagaalanka Al-Shabaab iyo taakulaynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba'an” ayay ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Kate Foster, Danjiraha UK ee Soomaaliya ayaa Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadisay guusha uu ka gaaray Doorashada ka dhacday Magaalada Muqdisho 15ka May 2022.

“Hambalyo Xasan Sheekh oo markale loo doortay madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya. Boqortooyada Midowday (UK) waxay rajeyneysaa inay kula shaqeyso sanadaha soo socda” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay noqday Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu kaga adkaaday wareegii 3aad ee doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya gelinkii dambe ee Axadii.

Maxamuud, oo soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017, ayaa ku guuleystay tartankii ka dhacay caasimadda Muqdisho, iyadoo ay jirtay xannibaado dhanka ammaanka ah oo ay soo rogeen mas’uuliyiinta si looga hortago weerarrada xagjiriinta ah.

"Guusha waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed, tanina waa bilowga waagii midnimada, dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo billowgii la dagaalanka musuqmaasuqa," Maxamuud ayaa yiri kaddib markii uu ku guuleystay codeynta.

Waxa uu intaa ku daray in uu arkay "shaqo adag oo hortaala" ka dib markii uu dib ugu guulaystay maamulka.

Xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa Madaxweynaha ku soo doortay cod qarsoodi ah oo ka dhacay teendho ku dhex taal hangar garoonka diyaaradaha ee ku dhex yaalla xerada Xalane, oo ay ilaalinayaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo afjartay hannaan doorasho oo muddo dheer dib u dhac ku yimid taasoo kicisay xiisado siyaasadeed - waxayna sare u qaaday welwelka amni-xumada - kaddib markii uu dhammaaday waqtigii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo bishii Febraayo 2021 iyadoo uusan jirin cid beddeleysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM