UK oo Soomaaliya ka taageeraysa hagaaajinta amniga iyo horumarka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socday labadda dhinac oo uu kamid yahay safiirka UK u fadhiya Muqdisho ee Ben Fender.

Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa dawladda Boqortooyadda dalka Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Stephenson ayaa dawladda ku ammaanay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaasada, waxa uuna ku celiyay in UK ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka dalka.

Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Andrew Stephenson oo sidoo kale kamid ah xubnaha baarlamaanka Britain ee laga soo doorto magaaladda Manchester ayaa waxay u tahay booqashadiisa Soomaaliya markii koowaad

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM