UN: Askar Soomaali ah ayaa la dagaalamay Tigray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin kasoo baxdey guddiga xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in askar Soomaali ah oo tababar loogu qaadey Eritrea loo daabulay colaada gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray.

Dowlada federaalka waxay horey u beenisay wararkan wallow ay qirtey in ay Asmara tababar ugu dirtey tiro aysan shaacin oo askar ah. Inta la og-yahay waa markii ugu horeysay oo ciidan Soomaali ah tababar loogu diro waddanka Itoobiya.

Guddiga arrimaha dibada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu horey u dalbadey in xukuumadda ka jawaabto dhamaan su'aalaha ku geedaaman wararkan oo qaarkood ka yimid waalidiinta wilasha tababarka loogu diray Eritrea.

Sida ku xusan warbixinta UN-ka, waxaa jira warar sheegaya in guddiga arrimaha dibada iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya ay guddi xaqiiqo raadin ah u direen Eritrea si ay u baaraan sheegashooyinkan hadalheyntooda ay si weyn u baahdey.

Qormada Qaramada Midoobay ayaa weji cusub waxay u yeelaysaa kiiska askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu qaadey Eritrea kuwaasoo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad laba kun.

Guddiga warbixinta soo saarey ayaa ah mid Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa uu u xilsaarey baaritaanka tacadiyada bini'aadanimo ee ka dhacay gobolka Tigray halkaasoo ciidamadda Itoobiya ay duulaan toos ah ku ekeeyeen.

Tacadiyada laga soo wariyey gobolka waxaa kamid ah dil wadareedyo shacab aan waxba galabsan loo geystay, kufsi aan kala sooc lahayn, beegsiga qowmiyad gaar ah iyo is-hor-taagida kaalmada caalamiga ah ee ismaamulkaas loo daabuli lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM