UN-ka oo $25 milyan ku bixinaya la tacaalida abaaraha Soomaaliya

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay shir looga hadlay sida loogu gurman karo dadka abaarta saameysay oo gaaraya 4.3 milyan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini'aadantinimada ayaa ku dhawaaqday lacag dhan 25 milyan oo doolar si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee guddaha Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagta kaash ah oo ka imaanaysa Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya (SHF) lagu gaarsiin doono gargaar cunto iyo biyo ah deegaanada fog-fog ee Jubbaland iyo Puntland.

Qoondayntan ayuu sheegay in ay kaabayso 17 milyan oo dollar oo dhawaan laga keenay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) si loogu daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadku ay abaaruhu saameeyeen.

"Lacag loogu talagalay waxqabadyada jawaabta abaaraha, oo uu ku jiro Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimada ee 2022, ayaa muhiim u ah ka hortagga dhibaatooyin kale iyo badbaadinta nolosha," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka dib kulan uu la yeeshay Rooble wasiirka 1aad ee xukumadda xilgaarsiinta ah.

Soomaaliya oo safka hore kaga jirta isbadalka cimilada ayaa waxaa si weyn u saameeyay abaarta ba'an ee ka jirta guud ahaan Geeska Afrika, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

"Iyadoo xilli-roobaadka soo socda aan la fileyn illaa Abriil 2022, dad badan oo ku nool meelahaas ayaa indhaha ku haya masiibo dhici karta," ayay tiri Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ka badan 4.3 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto iyo biyo, iyadoo in ka badan 500,000 ay ku barakaceen masiibada abaaraha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM