UN-ka oo bogaadiyey heshiiska DF iyo musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa si weyn waxay u soo dhaweysay heshiiska lixda qodob ka kooban ee Khamiistii magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dowladda federaalka ah iyo Midowga Musharaxiinta.

Xukuumadda waqtiga ka dhamaadey waxaa shirka ku metelay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhamaadkii tibaaxay in uu "u mahadcelinayo madaxweyne Farmaajo oo fursad ii siiyey in ay doorkan qaato".

Madaxwayneyaasha Galmudug iyo HirShabelle oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa sidoo kale kasoo muuqday wadaxaajoodyadda.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Howlgalka UN-ka ee Muqdisho, Qaramada Midoobay waxay heshiiskaa u aragtaa " tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday una adeegaya danta Soomaalida iyo shacabka Muqdisho".

Ka qeybgaleyaasha ayay cod dheer ugu tartarsiisay in ay gunta dhiisha isaga dhigaan sidii ay u xalin lahaayeen mawduucyada kale ee harsan.

"Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Qaramada Midoobay waxay ku dhiiri galinaysaa dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan mawduucyada kale ee harsan si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag".

Heshiiska dhexmaray dowladda iyo maamuladda ayaa soo afjaray banaanbaxa Jimcada maanta ah loo balansanaa iyo walaac laga qabay in uu mar kale dhici karo isku-dhac ciidan. Balse, su’aashu waxay ka ka taagan tahay fulintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM