UN-ka oo "musiibo" u saadaaliyey caruurta Soomaaliyeed

Image
Soomaaliya ayaa wajaheyso abaartii ugu darneyd ee soo marta muddo toban sano ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa wajaheyso abaartii ugu darneyd ee soo marta muddo toban sano ah, waxaana dhibaatada ugu badan ay haysato carruurta kuwaas oo la ildaran macaluul baahsan iyo nafaqo-darro.

Waalidiinta carruurta ayaa la halgamaya sidii ay u quudin lahaayeen, iyadoo khubaradu ay sheegayaan in kala badh carruurta da’dooda ka yar tahay shan sano ay u badnaan doonto in ay nafaqo-xumo soo foodsaarto bisha Juun.

Nimco Cabdi oo ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda la ildaran yihiin nafaqo-xumada ayaa soo booqatay xarun lagu miisaamo ilmaha da’dooda ka yar tahay shanta sano oo ku taala degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxa ayna wadatay gabadh lix bilood jirta. Gabadhii Nimco ayaa culayskeedu noqday 4kg taasi oo kala badh ka yar miisaanka ugu habboon ee ilmo lix bilood jira noqon karo.

Inanta yar ayaa la sheegay in ay nafaqo-xumo darran ka muuqatay iyadoo indhaheeda guntameen, feeraheeduna ay kor ka muuqdeen, maqaarkeeduna uu ahaa mid kaduudan ama laalaaban waxaana kasoo bixi la’aa oohinta oo ma aysan hayn awood ay dhawaqeeda sare ugu qaado.

Nimco oo ka sheekeyneysa sababta ayaa tiri, “Waan naas nuujin jiray markii hore balse aniga ayaa la xanuunsaday cunno la’aan oo waxaan waaye wax aan cuno, iyadana aad ayay u caatowday, waxaan ugu danbeyn go’aansaday in aan halkan keeno si ay ugu yaraan u hesho caano iyo daawo.”

Adam Abdelmoula oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arimaha Bani’aadanimada OCHA ayaa yiri, “Haddii aan waxbo laga qaban hadda, waxaa la saadaalinayaa in xagaaga soo socda ku dhawaad 350,000 oo ka mid ah 1.4 milyan caruur ah oo nafaqo-xumo ba’an hayso ay dhiman doonaan.

“Haddaba 70% caruurta dalkan waxbarashada ma tagaan, hal gobol oo ka tirsan Jubaland ayay abaartu sababtay in la xiro 40 iskool waxaana taasi looga cabir qaadan karaa in ay la mid yihiin meelaha kale ee abaaruhu saameeyeen,” waxuu hadalkiisa sii raaciyay in gabdhaha qaarkood xilli hore la guursado sababa la xiriira in qoysaskooda aysan awoodin masruufka gabdhahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM