UN-ka oo taageeray dib-u-bilaabida shirka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay oo kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay u soo bandhigtey mowqifkeeda ku aadan dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu dambeysay ee dalkan dhaca Geeska Afrika.

Burburka wadahadaladii xalka loogu goobayey khilaafka doorashooyinka iyo go'aanka halka dhinaca ee Golaha Shacabka labada sano ugu kordhiyey maamulka Farmaajo ayaa kamid ah dhacdooyinkii u dambeeyay.

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo, ayaa Twitter-ka ku qortey in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda cakiran ee Soomaaliya wajaheyso.

Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa madaxda Soomaalida waxay ku boorisay in ay dib ugu laabtaan wadaxaajoodyadda.

"Waxaan maanta la kulmay daneeyeyaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan ee Soomaaliya. Dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee waa kuwa aad looga walaaco," ayay tiri.

Diblumaasiga Ameerikaan ah ayaa hoosta ka xariiqdey in xalka uu ku jiro dhaqan-gelinta heshiiska doorasho ee 17-kii September kaasoo xeerinaya doorasho dadban oo laba degaan doorasho ah.

"Waxaan ka dalbaneynaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka ayna fuliyaan nooca doorasho eee 17-kii September kaasoo haysta taageero mideysan ahna qaabka kaliya ee horey loogu socon karo," ayay kusoo xirtey.

Dhawaqa haweenydan ayaa xoojinaya hadalo horey uga soo yeeray Beesha Caalamka oo ah in aysan taageeri doonin muddo kordhinta kuna goodiyeen talaabooyin cunaqabateyn ku jirto "haddii la iska indhatiro halista ku darsiga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM