UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Image
Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 1,500 oo qof oo rayid ah ayaa waxaa lagu dilay ama lagu dhaawacay 600 dhacdo qarax ka dhashay gudaha Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in halista Qaraxyada ay weli tahay mid halis ah gudaha Soomaaliya.

"Waxay ila tahay in qof kasta oo qolka ku jira uu garanayo sida ay khatartu u le'eg tahay. Bartilmaameedka koowaad waa askartiina ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Aad bay muhiim u tahay in xal loo helo khatartan," ayuu Swan ka yiri shir jaraa'id.

Sanadkii 2023, SNA waxay soo warisay in 378 dhimasho ah iyo 451 dhaawac ah oo ay sababeen walxaha qarxa, taasoo muujineysa khatarta joogtada ah ee ku wajahan ciidanka Soomaaliya iyo rayidka labadaba, sida lagu sheegay bayaanka Qaramada Midoobay.

Warbixinta waxay xustey in xilli ay Soomaaliya u dhaqaaqdey in ay la wareegto mas’uuliyadda amniga, qaraxyadda ay tahay khatar u baahan in si dhameystiran wax looga qabto.

Laga soo bilaabo 2020, SNA, oo ay taageerto Adeegga Waxqabadka Miinada ee Qaramada Midoobay (UNMAS), waxay muujisay awood sii kordheysa oo looga hortagayo khatarta IEDs.

Tan iyo 2009, UNMAS Somalia waxay taageertay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo hadda ah Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo bixisay tababarro ku habaysan ka-hortagga khatarta qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM