USA: Waa in 'dib-u-heshiisiin' loo sameeyo madaxda Soomaalida

Image
Dhawaqa Mareykanka ayaa kusoo beegmaya kahor shirka la filayo ee Shirka Golaha Wadashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib-u-heshiisiin loo sameeyo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa in ay kamid noqotaa qodobada mudnaanta la siiyo, sidda ay cod dheer ku talisay Dowladda Mareykanka.

Danjire Richard Mills, Ku-xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hadalkan ka sheegay shirka golaha ammaanka uu arrimaha Soomaaliya ka yeeshay todobaadkii lasoo dhaafay.

Ergayga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya, James Swan, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda ammaanka, siyaasadda, bini'aadanimada iyo xiriirka dowladda iyo maamuladda.

Mills ayaa hoosta wuxuu ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in madaxda Soomaalida ay sidoo kale diirada saaraan sidii horumar looga gaari lahaa geedi-socodka dib-u-habeynta nidaamka maaliyada dalka.

"Waxaan rajeyneynaa inaan arki doono horumar laga gaaro wax ka qabashada caqabadaha culus ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dib u heshiisiinta dowladda qaranka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, dhameystirka dib u eegista dastuurka federaalka, iyo gaarista deyn cafinta," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Soomaaliya waxay sii xoojin kartaa fayo-qabkeeda dhaqaale iyadoo buuxinaysa shuruudaha looga baahan yahay inay ka gaarto heerka dhammaystirka ee Hindisaha Waddamada deymaha badan qaatay".

"Waxaan soo dhaweyneynaa la shaqeynta dowladda federaalka ah ee ee hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si loo hubiyo in geeddi-socodku uu sii ahaado sidii hore," ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Hadalkan xukuumadda Washington ayaa kusoo aadaya iyadda oo madmadow uu ka dhex-jiro cilaaqaadka maamulka cusub ee Xasan Sheekh iyo dowlad goboleedyadda kuwaasoo hal jeer kulmay tan iyo doorashadii 15-ka May.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in hogaamiyeyaasha ay u balansan yihiin in ay kulmaan bishan September. Kulankan oo ka dhici doono caasimadda Muqdisho waa Shirka Golaha Wadashiga Qaranka.

Garowe Online ayaa fahansan in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu is-araggan u yahay mid muhiim ah isla markaana uu doonayo in uu helo sawir guud kahor inta uusan u dhoofin Marykanka oo uu kaga qeybgalayo shirka UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM