Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO — Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay qabato fadhi ay yeeshaan xubnaha Golaha Shacabka kadib doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhacday Baydhabo, halkaas oo guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe la filayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamulkaasi.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu furi karo waddo lagu doorto guddoomiye cusub oo Golaha Shacabka yeesho muddo 30 maalmood gudahood ah, xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee la xiriira sharciyadda baarlamaanka hadda jira.

Wasiirka dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur ayay Villa Somalia la doonaysaa Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, maadaama ay ka reebtay tartanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana arintan aad u dhaliilsan siyaasiyaasiyiinta KG.

Mucaaradka dowladda federaalka ayaa ku doodaya in muddo-xileedka baarlamaanka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, islamarkaana golaha uu hadda yahay muddo dhaaf. Dowladda ayaan si rasmi ah uga jawaabin eedeymahaasi, hase yeeshee weli ma jiro xildhibaan si cad uga baxay baarlamaanka ama diiday mushaharka uu qaato.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegay in tartan adag uu ka dhex socdo siyaasiyiin taageersan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan hoggaanka cusub ee Golaha Shacabka haddii isbedelkaasi hirgalo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubno hadda saameyn ku leh siyaasadda Koonfur Galbeed ay dadaal ugu jiraan sidii ay door muuqda uga heli lahaayeen dhismaha hoggaanka baarlamaanka, iyadoo arrintaasi qeyb ka tahay loollanka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah, gaar ahaan deegaannada Bay iyo Bakool, halkaas oo ay ka jiraan khilaafaadyo iyo tartan siyaasadeed oo sii kordhaya toddobaadyadii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM