Villa Somalia oo sharaxday ujeedka safarka madaxweynaha.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa Axada maanta ah safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu Tagga Imaaraadka oo aan wadanka xiriir wanaagsan la lahayn mudadii uu xafiiska joogay madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda xil gaarsiinta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyey ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin kale.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineyso siyaasadda Somalia, so uu ugu dhawaato dowladda cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Sheekh Maxamef bin Zayed Al Nahyan oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo aad u hooseeyey sanadihii la soo dhaaafay.

"Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweynaha Soomaaliya, kadib doorashadii 15-kii May ayaa direysa in Imaaraadka uu noqonayo garabka dowladda cusub, halka Qatar ay u muuqato inay kasii dhamaaneeyso Soomaaliya, sida ay ku aheyd 5 sano ee lasoo dhaafay.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo, iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweyne horgeeyo BF, si ay u siiyaan kalsoonida.

Imaaraadka ayaa maamulkii Farmaajo ka hor ka mid ahaa dowladaha taageera Soomaaliya waxa uuna Muqdisho ku lahaa xero uu ku tababaro ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Isbitaal loogu adeegi jiray bulshada Caasimadda si bilaash ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles