Dowladda oo banaanbax abaabushay xilli halista Covid-19 sii baaheyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Banaanbax ay abaabushay Madaxtooyadda Soomaaliya isla markaana uu fulinayo maamulka sarre ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka bilowday qaybo kamid ah magaaladda Muqdisho.

Dibad-baxa ayaa qabsoomaya xilli xaaladaha Coronavirus ee xarunta dalka ay sii kordhayaan; wasaaradda caafimaadka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay soo warisay in Muqdisho laga helay 83 kiisas oo ah cudurkaas.

Isu soo baxaan "siyaasadeysan" ayaa salka ku haya kororsiimo sharci darro ah isla markaana baalmarsan dastuurka qabyadda ah oo dowladda madaxweyne Farmaajo dooneyso in ay ku sameyso Aqalka Sarre ee baarlamaanka.

Xubnaha xukuumadda damacsan tahay in ay ku kordhineyso Senate-ka oo aysan heshiis mideysan ka gaarin dowladda federaalka iyo maamualdda ayaa qayb ka ah ololaha Farmaajo ee doorashooyinka aan lagu heshiin ee 2020-21.

Wadahadaladii heshiiska looga gaari lahaa arrimo ay kamid tahay maqaamka Muqdisho iyo xubnaha ay ku yeelaneyso Aqalka Sarre ayaa burburay markii maamulka Koonfur Galbeed uu diidey waqtiyaddii loo muddeeyay.

Xisbiyadda mucaaradka, qaar kamid ah maamuladda iyo siyaasiyiin ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu xusul-duub ugu jira muddo kororsi uu sameysto coddeynta soo aadan, talaabadaas oo ay si xooggan uga digeen.

Kadib fashilka ku yimid wada-xaajoodyadda maamuladda, Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in ay siyaasiyiinta taageersan iyo shacabka Muqdisho u adeegsato hirgelinta qorshaha ay ku kordhineyso xubnaha Aqalka Sarre.

Dowlad goboleedyadda dalka qaarkood iyo xisbiyadda mucaaraadka ayaa ku adkeystay in aysan aqbali doonin talaabo kasta oo ku saabsan doorashooyinka oo dhinac marsan shuruucda u degan iyo dastuurka ku meelgaarka ah.

Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya in xubnaha Aqalka Sarre ay yihiin 54, kuwaas oo metela dowlad goboleedyadda xubinta ka ah dowladda federaalka.

Mudaaharaadka abaabulan ayaa kusoo aadaya xilli Farmaajo uu shalay xubno ka tirsan baarlamaanka uu la kulmay oorin xilli uu furayay kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka ku eedeeyeen "in uu ku fashilmay hogaanka waddanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM