Villa Soomaaliya oo beenisay warbixintii wargeyska NYT

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay warbixintii wargeyska New York Times ka qortay madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Cabdirashiid Xaashi, agaasimaha warfaafinta Villa Soomaaliya, oo u waramay Idaacadda galabnimo ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa "waxbo kama jiraan" ku sifeeyay macluumaadka ku jira qormada Jariiradda.

"Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira," ayuu Xaashi ku adkeystay.

Mar si gaar ah wax looga waydiiyey qadiyada ku saabsan in Farmaajo haysto baasaboorka Canadda, Xaashi ayaa qashinka ku daray sheegashadaas.

"Madaxweynahu waxa uu haystaa baasaboorka Soomaaliya, hore na wuxuu u haystay ka Maraykanka, waana kii iska dhiibey madaxweynuhu, si uu shaqadan uu u dhaartay ee madaxtinnimo ee dalka uu si hufan ugu guto. Ma jirto markaa dal kale oo dhalashadiisa uu haysto oo aan ka ahayn Soomaaliya," ayuu yiri.

Jariirada New York Times ayaa daabacdey in Farmaajo uu baasaboorka Maryekanka iska celiyey markii uu ogaadey in Washington ay baaritaan ku bilowday dhaqaalihisia gaarka ah. Balse, Xaashi wuu beeniyey jiritaanka arrinkaas.

Intii uu wareysigu socday, Xaashi ayaa sidoo kale wuxuu gaashaanka u daruuray sheegashooyinka kale ee ku jiray warbixinta oo ahayd in Farmaajo uu guddoomiye u soo noqdey jaaliyada Soomaalida ee magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka isla markaana uu ka degi waayey xilkaas markii waqtigiisa uu ka dhamaadey.

"Way jirtaa in uu ahaa abaabule aqoonyahan ah, dhanka siyaasaddana uu ku jiray oo xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, labadana u soo shaqeeyey. Balse marnaba ma dhex gelin (jaaliyadda), guddoonna uma noqon, intii uu halkaa joogay, rag badan baa caan ku ahaa oo la weydiin karaa reer buffalo-na ay yaqaannaan," ayuu tibaaxay afhayeenka Farmaajo oo hadda raadinaya in dib loo doorto.

Farmaajo oo isagoo diblumaasi yar ah tagay Mareykanka ayaa halkaas degay markii dagaalo sokeeye ay ka qarxeen Soomaaliya, waxaana uu lasoo shaqeeyay Waaxda Gaadiidka ee ismaamulka New York iyo xisbiga Jamhuuriga oo uu u tartamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM