Villa Soomaaliya oo Diidey in Beesha Caalamka Cod Mideysan Kaga Hadasho Arrimaha Gudaha

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartey si rasmi ah ugu sheegtay Qaramada Midoobay in aysan habboonayn in dalalka beesha caalamka ee sida joogtada ah u taageera Soomaaliya – kuwaas oo loo yaqaan C6+ – ay si mideysan uga hadlaan xaaladaha gudaha ee dalka.

Qoraal rasmi ah oo uu Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar ( Cali Balcad), u diray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sida mararka qaar dalalkaas – oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Turkiga, Qatar iyo Qaramada Midoobay – si isku mowqif ah u muujiyaan aragtidooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ayaa qoraalka ku adkeeyay in aan loo baahnayn in dalalkan ay noqdaan hal cod mideysan, maadaama ay kala duwan yihiin danahooda iyo siyaasadahooda, isla markaana ay arrintaasi dhaawici karto madax-bannaanida go’aan qaadashada dowladda Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo mucaaradka dowladda Federaalka si cad u diideen ka qaybgalka kulan uu Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay in uu dhici doono 15-ka Juun, kaas oo loogu yeeray dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ee diidan jihada siyaasadeed ee ay Villa Somalia dooneyso in dalka lagu hago.

Qoraalka Wasiiru Dowlaha ayaa u muuqda mid looga hortagayo in dalalka C6+ ay si wadajir ah u soo saaraan bayaan kama dambeys ah oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee taagan, iyadoo laga baqayo in mowqifkooda mideysan uu cadaadis dheeri ah ku keeno dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh taas oo muddo xileedkeedu ka harey wax ka yar hal Sano. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM