Villa Soomaaliya oo Diidey in Beesha Caalamka Cod Mideysan Kaga Hadasho Arrimaha Gudaha

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartey si rasmi ah ugu sheegtay Qaramada Midoobay in aysan habboonayn in dalalka beesha caalamka ee sida joogtada ah u taageera Soomaaliya – kuwaas oo loo yaqaan C6+ – ay si mideysan uga hadlaan xaaladaha gudaha ee dalka.

Qoraal rasmi ah oo uu Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar ( Cali Balcad), u diray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sida mararka qaar dalalkaas – oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Midowga Yurub, Turkiga, Qatar iyo Qaramada Midoobay – si isku mowqif ah u muujiyaan aragtidooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ayaa qoraalka ku adkeeyay in aan loo baahnayn in dalalkan ay noqdaan hal cod mideysan, maadaama ay kala duwan yihiin danahooda iyo siyaasadahooda, isla markaana ay arrintaasi dhaawici karto madax-bannaanida go’aan qaadashada dowladda Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo mucaaradka dowladda Federaalka si cad u diideen ka qaybgalka kulan uu Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay in uu dhici doono 15-ka Juun, kaas oo loogu yeeray dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed ee diidan jihada siyaasadeed ee ay Villa Somalia dooneyso in dalka lagu hago.

Qoraalka Wasiiru Dowlaha ayaa u muuqda mid looga hortagayo in dalalka C6+ ay si wadajir ah u soo saaraan bayaan kama dambeys ah oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee taagan, iyadoo laga baqayo in mowqifkooda mideysan uu cadaadis dheeri ah ku keeno dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh taas oo muddo xileedkeedu ka harey wax ka yar hal Sano. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM