Villa Soomaaliya oo ku hungowdey damaceeda shirka maamulada

Image
Wararka Garowe Online helayo ayaa waxay sheegayaan in kulanka uu maanta galinka hore soo dhamaanayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Garowe Online ayaa fahansan in wafdiga madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud ee ka qeybgalaya caleema-saarka hogaamiyaha la doortey ee Kenya William Samoei Ruto uu ka kooban yahay 25 xubnood oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaano, mas'uuliyiin kale oo kamid ah dowladda federaalka iyo ilaaladda gaarka ah.

Munaasabada dhaarinta ayaa Nairobi ka dhacaysa 13-ka bishan September.

Dhanka kale, Shirkii madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka u dhexeeyey ayaa weli ka socda Muqdisho iyadoo wararka GO helayo sheegayaan in maanta galinka hore soo dhamaanayo.

Kulankaan ayaa, sida xogto sheegeyso, aan lagu furin qodobo badan maadaama waqtigu kooban yahay.

Madaxda maamulada qaarkood ayaa qaba in waqti kale la isugu yimaado kulankaan maadaama madaxweynaha Puntland maqan yahay, halka madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uusan waqti badan haysan oo uu dalka Kenya u dhoofayo maalinta berri ah Sept.12.

Villa Somalia ayaa u hamuun qabtey in ay hesho sawir muujinaya madaxda maamulada iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo wada fadhiya inta ka horeysa safarka Xasan Sheekh ku tagayo dalka Mareykanka gaar ahaan magaalooyinka Washington iyo New York.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM

Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga ka codsatay faragelin milatari oo ka dhan ah Somaliland

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dooneyso inay Somaliland u adeegsato sidii ay u dejin lahayd Falastiiniyiinta.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 07:56AM