Waa Kuma Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta loogu magacaabo Baashe Yuusuf Axmed xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka.

Xilkan waxaa laga qaaday Ibraahim Iidle Suleymaan, iyadoo sababta lagu sheegay kadib cabashooyin ay kasoo gudbiyeen Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay qayb ka tahay dib u haybeynta nidaamka garsoorka [Halkan ka akhri Warka].

Sikastaba, baaritaan uu sameeyay Warsidaha Garowe Online, wuxuu kusoo ogaaday in shaqsiga cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka uu hadda yahay Agaasimihii Xarunta dhexe ee Xisbiga Wadani, ee maamulka Somaliland.

Baashe oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Seylac ee Somaliland, ayaa sidoo kale soo noqday Agaasimihii Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo kahor inta uusan ku biirin Xisbiga mucaaradka Waddani.

Ma cadda hadii uu iska casilay xilka uu ka hayey Xisbiga Waddani, laakiin illo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyay GO in uusan wali iska xasilin xilka, mana jiro illaa iyo hadda mas'uul ka tirsan Xisbiga Waddani oo ka hadlay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo siyaasi kasoo jeeda Somaliland looga magacaabo xil dowlada Federaalka, iyadoo ay xusid mudan tahay in shaqsigii lagu bedalay Baashe ee Ibraahim Suleymaan uu soo noqday Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM