Waajibaadka culus ee horyaala dowladda cusub ee Soomaaliya

Image
Washington ayaa soo bandhigtay liiska qodobada laga doonayo in nidaamkan uu maareeyo.

WASHINGTON, USA – Dowladda Mareykanka ayaa ugu hambalyeysay Xasan Sheekh Maxamuud guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan la soo gebagebeeyay ee Soomaaliya, iyadoo dhanka kale u mahadcelisay kooxdii soo dedejisay soo afjarida doorashooyinka dib u dhaca badan ku yimid ee Soomaaliya

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, ayuu Maraykanku ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in diiradda la saaro arrimaha muhiimka ah ee dalka khuseeya.

“Marka la soo gabagabeeyo geeddi-socodkan, Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saarto dib-u-habaynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Xukuumadda Washington ayaa hadda dooneysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogga saaro xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuquraadiga ah ee dalka oo muddo ku dhow soddon sano la daalaa dhacayay amni darro iyo hoos u dhac dhaqaale, taasoo ka dhigaysa qaar ka mid ah waaxyaha dowladda kuwo aan shaqeyn.

Si ay tani u dhacdo, Maraykanku wuxuu xusay, hoggaanka cusub ee Soomaaliya waa inuu sidoo kale xaqiijiyaa in ciidamada ammaanka maxalliga ah ay si buuxda ula wareegayaan mas'uuliyadaha amniga ee Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee dhawaan la sameeyay [ATMIS] marka uu dhammaado waajibaadka howlgalka 30-ka bilood ee soo socda ama wax ka badan.

“Waxaan dhiirigelineynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya in mudnaanta la siiyo xoojinta maamulka iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan ugana una horistaagaan argagixisanimada ayna si buuxda ula wareegaan mas'uuliyadda amniga ee howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya," ayuu Blinken xusay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xusay: "Maamulka cusub waa inuu diiradda saaraa dhaqangelinta dib-u-habeyn dhaqaale si loo dhameystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoojinta dhaqaalaha, iyo fududeynta gaarsiinta gargaarka bani'aadamnimo ee malaayiinta Soomaaliyeed ee la ildaran abaar ba'an."

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si ay u xaliso dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo dalka laga caawinayo tayeynta, gaar ahaan tababaridda iyo qalabeynta ciidamada gaarka ah ee Danab Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Washington ayaa sidoo kale xusay, in ay muhiim tahay in dowlada cusub ay diiradda saarto horumarinta dib-u-heshiisiinta dalka Geeska Afrika oo ay si weyn u kala qaybisay geeddi-socodkii dheeraa ee doorashada. Maraykanku waxa uu ku adkaysanayaa in uu si dhow ula shaqaynayo madaxda hadda jirta.

"Dib u heshiisiinta, isu-tanaasulka iyo wanaajinta wada-hadallada dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda iyo dhammaan bulshooyinka waxay muhiim u noqon doonaan guusha dadaalladan," ayuu yiri. “Maraykanku waxa uu rajaynaya in wakhtiga ku habboon lagu soo dhiso dawlad cusub iyo la-hawlgalayaasha madaxda Soomaaliya si loo gaaro yoolka aan wadaagno ee ah Soomaaliya nabad, dimuqraadi ah, iyo barwaaqo ah.”

Dowladda cusub ee wadanka ka dhalatay Axadii ayaa waxaa taageero iyo garab istaag u muujiyay Dowladaha Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska, Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo wadamo kale oo saaxiib la ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baanka Aduunka oo si adag ugu goodiyay Dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Muqdisho ayaa loo qabtey in illaa dhamaadka bishan soo gudbiso warbixin laga rabo.

  • Soomaliya

    29-03-2024

  • 04:30AM

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM