Waanwaanta Xamse iyo Axmed Madoobe oo xuduudaha ka talaabtey

Image
Halheyskii Soomaali heshiis ah ayaa u muqda mid u diga roganaya gacan shisheeye.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ka socda Kenya kaasoo dhexdhexaadin ka dhex wada dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA XAMSE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda

Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya.

Xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.

Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow.


Waanwaantan ayaa tusaale waxay u noqon kartaa in maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu door-biday gacan shisheeye halkii uu halheyskii Soomaali heshiis ah ku fulin lahaa gacantiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM