Waanwaanta Xamse iyo Axmed Madoobe oo xuduudaha ka talaabtey

Image
Halheyskii Soomaali heshiis ah ayaa u muqda mid u diga roganaya gacan shisheeye.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ka socda Kenya kaasoo dhexdhexaadin ka dhex wada dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA XAMSE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda

Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya.

Xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.

Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow.


Waanwaantan ayaa tusaale waxay u noqon kartaa in maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu door-biday gacan shisheeye halkii uu halheyskii Soomaali heshiis ah ku fulin lahaa gacantiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM