Waare: Hadii kursiga Fahad la fasaxo Islaamnimo ma jirto

Image
Madaxwaynihii hore ee HirShabelle ayaa ku taliyey in wax kasta hadii ay dhacaan aan la fasixin kursiga HOP#086.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay khilaafka hareeyey natiijadii la diiday ee doorashada afar kursi oo seddax laga soo doortay Koonfur Galbeed iyo kursigii uu Beledweyne ka soo qaatay Fahad Yaasiin ayaa ku taliyay in la fasaxo kuwa Koofur Galbeed.

Waare ayaa ku taliyey in wax kasta hadii ay dhacaan aan la fasixin kursiga Fahad Yaasiin uu soo qaatay ee HOP#086, kaas oo sida uu sheegay horseed u noqon kara in dowladnimada dadka lagu sii dulmiyo.

 “Kursigaasi eed badan ayuu qabaa, dhaawac, dil, qarax, dad la ilhaaneystay iyo ciidan la isku adeegsaday ayuu qabaa kursiga HOP#086, wuxuuna calaamad u yahay siyaasadda ah waan kaa xoog badanahay, saan rabo ayaana kaa yeelayaa,” ayuu yiri Waare.

Waare ayaa hadalkiisa ku daray “Iyadoo qarax ka dhacay Beledweyne oo dhaawaca iyo meydku banaanka yaallaan ayaa kursigaas la boobay, waxaa la yaqaan dadkii codeeyey cidda ay yihiin, hadii la fasaxo kursigaas waxay ka dhigan tahay inaan aqbalnay wax dadka Soomaaliyeed ku kala tegi karaan oo walaalnimada iyo islaanimada aan ku jirin.”

Waare ayaa sheegay in beesha kursigaas iska leh ee reer Aw-Xasan ay tahay culumo reer Hiiraan ay aad u jecelyihiin, “Waxaan is qabadsii la’ahay dadka kursigaas iska leh dhaqankooda suuban ee soo jireenka ah, hadana waxaan arkay odayaal dhahaya kursigaas nagaa leh anagaana bixinay, walaalayaal dhaqanka ninka kursigaas soo qaatay dhaqankiinii maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

"Hala fasaxo kuraasta KGS"

  1. Doorashadaan waxay lamid tahay tii Imbagaati, xilligaas oo ujeedadu ay aheyd war baarlamaan la’aan ayaa ka darane, waxay doonaan hanoqdaane wax un hala soo saaro, dhibkii ka dhacay wadanka oo dhana waa laga war qabaa.
  2. Isku tanaasul ayaa wax lagu soo waday, laakiin hadda lama dhihi karo kooramkii waa buuxsamay, waana laga maarmaa inta maqan, runtii waqtigaas lama gaarin, hadii cid laga tegaa faa’iido lagu gaaray reer waqooyi ayaa naga maqan.
  3. Habraaca lagu eedeeyey natiijada doorashada, sidee 3 kursi uga duwan yihiin doorashooyinkii ka dhacay gobollada kale? Waxaan qabaa in sababta loo beegsaday kuraastaas ay tahay inay ugu horeeyeen doorashada oo markaas rajo laga qabay in doorasho xalaal ah la qabto, laakiin hada wax ka daran ayaaba dhacay.

“Sidaas darteed, anigoo daliishanaya seddaxdaas sababood, waxaan qabaa in kuraasta Koonfur Galbeed la fasaxo, Rooble waxaan leeyahay ha isku qaban arrimahaan isma lahane oo iska fasaxa kuraasta 3-da ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Cayrinta Madeira

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo cayrinta Madeira maadaama uu ku milamay siyaasada Soomaaliya isla markaana lumiyay miisaankii Dublumaasiyeed.

“Ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ee Midowga Afrika waa ogyihiin ninkaan waqti dheer waxa uu ka tirsanaa Villa Somalia, waxa uu lumiyay miisaan diblumaasiyadeed laakiin waxaa loogu dulqaadanayay wax badan kama uusan galin siyaasada Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, oo ku gacan sayraya amarka ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo, talaabadaas ayaa loogu yeeray mid lagu sagootinayay danjiraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM