Waare oo u adeegsaday xeelad cusub kala furida Mooshinka laga keenay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - In ka badan 50 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa gudbiyey Mooshin ka dhan ah Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare, kuwaasi oo kol dambe iclaamiyey inay ka noqdeen.

Sharci-dejiyaasha Mooshinka miiska u saaran Gudomiyaha Baarlamaanka Maamulkaan waxay ku doodeen inay ku doonayaan sidii ay ugu sixi lahaayeen qaladaad ay gashay xukuumadda Waare.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddoonka Gollaha Sharci-dejinta maamulkaan ayaa lagu sheegay in Mooshinka loo rogay wadahadalo lagu xalinayo waxyaabaha sababey inay Keenaan, inkasta oo aysan shaacin goorta iyo halka ay ka dhacayaan wadaxaajoodyadaasi.

Nuqul kamid ah qoraalka oo uu arkay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu cadeeyay in joojinta Mooshinka ay timid kadib markii wadaxaajoodyo ay yeesheen Madaxwaynaha iyo Xilldhibaanada Mooshinka gudbiyey kulankaasi oo si isfahan ah kusoo idlaadey, sida lagu yiri bayaanka.

"Kadib kulan dhex-maray Xilldhibaanadda iyo Madaxwaynaha HirShabelle waxay dhinacyadda isla ogolaadeen in garowsiyo laga bixiyo waxybaaha ku xusnaa soojeedinta," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warar madax banaan ayaa soo jeedinaya in kala dhan-taalidda Mooshinka ay qayb libaax leh ka qaadatey dowladda Farmajo, taasi oo dhowaan heshiis la gashay Madaxwayne Waare, si uu uga baxo Axdigii xiriirka ugu jareen maamuladda Villa Soomaaliya.

"Annaga oo tix-gelin gaar ah siineyna baaqi Madaxda qaranka ee ilaalinta xasiloonida, midnimada iyo horumarka HirShabelle waxaan ku dhawaaqeynaa inaan ka laabaney Mooshinkii kaga gudbiyey Madaxwayne Waare," ayaa lagu yiri qoraalka Xilldhibaanada soo saareen.

Ma cadda sababta dhabta ah iyo waxa ay ku basheen Mudanayaasha ka noqoashadda Mooshinkooda, balse warar xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu jiro balanqaadyo ay ka heleen Waare iyo Dowlada Federaalka.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu dhaliilay qaabka uu uga fal-celiyay go'aankii kasoo baxay shirka Kismaayo, kaasi oo ay dowlad goboleedyaddu ku dhawaaqeen inay hakiyeen wadashaqayntii Madaxtooyadda iyaga oo qiil kaga dhigtey faragelin iyo fulin la'aanta heshiisyo horey.

WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM