Wadahadalada telefoonka Abiy iyo Farmaajo oo "loo dusay"

Image
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa "warkan naxdinta leh" ku wargeliyey madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Abiy Axmed, ayaa ku wargeliyey Farmaajo iyo wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya in loo dhacay wadahadaladooda dhanka telefoonka, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinadda uu helay bogga GO, ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey in talaabaddaas uu ka dambeeyo "dal Carbeed".

Illo wareedyada ayaa xaqiijiyey in wadahadalada telefoonka labada hogaamiye loo dusay iyadda oo la adeegsanayo app lagu magacaabo Pegasus Spyware oo ay farsameyso shirkadda reer Israel ee NSO Group.

"Abiy wuxuu muujiyey walaac qoto dheer oo ku saabsan sida loo helay macluumaadka ay labada hogaamiye isku dhaafsadeen aaladda WhatsApp," ayay sheegeen illaha la hadlay Garowe Online.

Labada hogaamiye ee dalalkan ku yaala Geeska qaaradda Afrika ee xasiloonida daradda - siyaasadeed iyo tan amni - ay hareeyeen waxay lahaayeen wadashaqeyn aad u dhowr shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xafiisyada warfaafinta labadda hogaamiye ayaan wali si furan uga hadlin qadiyadan oo haddii lasoo bandhigo horseedi karta fadeexad aad u baaxad weyn. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ayaan guuleysan.

Shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika ayay isku arkeen labadda hogaamiye kaasoo lagu qabtey caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, wallow aan madaxtooyadda Soomaaliya aysan soo bandhigin xogtan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM