Wadahadalkii maamulka Jubaland iyo Barre Hiraale oo hakad galey

Image

Kismayo, Jubaland 28, August 2014 [GAROWEONLINE]-Wararka hoose ee aan ka heleyno madaxtoyada Jubbaland ayaa sheegaya inuu hakad galay wada hadaladii lagula jiray saraakiil ka socota Barre Hiraale iyo maamulka Jubaland.

Go'aano aan ku jirin kuwii shalay lagu soo heshiiyay ayeey miiska wada hadalka soo saareen saraakiisha wakiilka shirka uga ahaa Barre Hiraale ee ka dhacay KIsmayo.

Saraakiisha ka socotey Barre Hiraale ayaa soo jeediyey in Baro cayiman oo ku yaal KIsmayo laga dejiyo magaalada iyaga iyo ciidamadooda ayna sidaa ku daganadaan inta laga gaarayo 21 September 2014 oo loo balan sanyahay in uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta dadka daga Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ku gacan seyray dalabka ah in ciidanka Barre Hiraale ayagoo hubeysan la soo geliyo magalada Kismaayo.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ee garabka Barre Hiraale waxaa hogaaminayay Cabdi CIgaal iyo Maxamed Buraale oo xubin muhiim ah ka ahaa Isbaheysigii loo aqoon jirey dooxada Jubba.

Warar kale ayaa shegaya in Wasiirada ka socda DFS ay soo jeediyeen in ciidamada la dejiyo Kismaayo halka maamulka Jubbaland uu ku adkeysanayo in ciidanka loo diro xeryo lagu tababaro halka Barre Hiraale sidoo kale uu raaco wafdiga u ambaxaya Muqdisho.

Sharuudaha uu Barre hiraale soo jeediyay shalay ayaa waxaa ka mid ahaa in mushahar la siiyo ciidamadiisa kuwasoo uu shegeey in  mudo ku siman 11 bilood joogeen Goobweyn oo aysan qaadan wax dhaqaale ah.

Barre Hiraale ayaa waftigaan tusey waraaqo rasmiya oo ay saxiixeen madaxda sare ee dowladda Federaalka kuwaasoo cadeynaya in maleeshiyadkiisu ka tirsan yihiin ciidamada Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM