Wadahadalo u bilaabanaya hogaanka FEIT iyo Koonfur Galbeed

Image
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa Baydhabo u tagay xalinta khilaafka doorashada.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta Arbaco ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Muuse Geelle ayaa waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan FEIT iyo wasiiro ka mid ah xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay qayb uga noqon lahaayeen kulamada xal raadinta ah ee ka socda Baydhabo, si looga gun gaaro tabashada ay qabto Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha FEIT ayaa ku biiraya dadaallada ka socda halkaasi oo uu hormuudka ka yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Koonfur Galbeed ayaa qaadacday shahaado siinta xildhibaanada iyo ka qeyb-galka xafladda dhaarta ah ee xildhibaanada cusub oo berri ka dhaceysa teendhada Afisyoone.

Sidoo kale dowlad goboleeda Koonfur Galbeed ayaa ka carootay kadib markii saddex ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deegaanada uu guddiga armay in doorashadooda lagu noqdo, sababo la xiriira inay khaladaad ku jireen, sida uu guddiga sheegay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyey inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey.

Si kastaba, beri oo ku beegan 14-ka April ayaa qorshuhu yahay in la qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada Gole oo ay ku adkeysanayaa Rooble iyo guddiga FEIT.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM