Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda
KISMAAYO – Wafdi ka socda Kongareeska iyo militariga Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Kismaayo, iyagoo billaabay booqasho saddex magaalo oo ay ku marayaan Soomaaliya ka hor shirka dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ee lagu qabanayo Uganda.
Sida la sheegay, wafdiga ayaa booqashadooda ka sii wadi doona magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, halkaas oo ay kula yeelan doonaan mas'uuliyiinta Puntland iyo Somaliland wadatashiyo la xiriira xaaladda amniga iyo arrimaha la xiriira howlgalka AUSSOM.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay wajahayo hubanti la'aan siyaasadeed, khilaafyo aan weli xal laga gaarin oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, Mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyadoo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab laga guul-gaari waayay.
Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda amniga Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
Mareykanka ayaa dhawaan shaaciyay inuu December 2026 joojinayo dhaqaalaha uu ku bixiyo howlgalka AUSSOM, wuxuuna ku wargeliyay go'aanka Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.
Labo sabab ayaa go'aanka Mareykanka keenay, kuwaasoo kala ah in dagaalka Al-Shabaab oo socda 17 sano lagu fashilmay iyo in dowladda Soomaaliya awoodi waysay inay mas'uuliyadda amniga la wareegto.
Shirka Uganada ayaa dalalka qeybta ka ah AUSSOM uga arinsan doono sidii ay ku badbaadin lahaayeen howlgalka Soomaaliya, iyadoo la raadinayo dalal kale oo buuxiyo booska Mareykanka ee dhanka maalgelinta.
Qaar kamid ah dalalka Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in lasoo afjaro howlgalka, islamarkaana laga soo saaro Ciidamada dalka Soomaaliya, waxaana dowladda Federaalka loogu baaqay inay diyaariso Ciidan la wareega saldhigyada askarta Midowga Afrika joogaan.
GAROWE ONLINE