Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar u tagey Howlgalka AUSSOM

Image

QAAHIRA - Wasiirka difaaca Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo Saraakiil kale ayaa gaarey magaaladda Qaahir oo berri ka furmayo Shir ku saabsan Howlgalka Midowga Africa ee AUSSOM, iyadoo Itoobiya iyo Burundi wali aan go'aan laga gaarin ka qeybgalkooda.

Masar ayaa u muuqata inay saameynta iyo hogaanka Howlgalka la wareegtay, waxayna noqday saaxiibka cusub ee dowladda Federaalka oo bishii August 2024 la gashay heshiiska amni, kaasoo Itoobiya u aragto mid laga leeyahay dano ku wajahan webiga Niil.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ATMIS ah, kuwaasoo hadda koofiyada iyo magaca loo bedelayo, waxaana lagu wadaa in howlgalka cusub uu socda mudo sanad ah, waxayna ka koobnaan doonaa Ciidanka ka qeybgalaya illaa 12,000 oo askari, oo 1,040 ay yihiin boolis.

Shirka Qaahira ayaa lagu go'aaminayaa tirada Ciidamada Masar ee la geynayo Soomaaliya, iyadoo horey loo sheegay in 20% ay ka noqon doonaan guud ahaan Ciidamada AUSSOM. Al-Shabaab ayaa maamusha dhul ballaaran, waxaana mudo 17 sano ah lagula jiraa dagaal looga adkaan la'yahay.

Masar ayaa doonaysa inay booska Itoobiya buuxiso, laakiin waxay khubarada amiga sheegeen in Ciidamada Itoobiya oo aan dalka ka bixin ay keeni karto isku dhac labada Ciidan, oo dowladahooda uu khilaaf u dhaxeeyo.

In Masar lagu casuumo Soomaaliya waxaa lagu tilmaamay tallaabo aan si fiican looga fekerin, oo lagu deg degay, maadaama wadanka uusan xamili karin quwado is haya inay ku loolamaan. Masar waxay doonaysaa inay cadaadis militeri saarto Itoobiya, iyadoo usoo marayso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM