Wafdi uu hogaaminayo safiirka Mareykanka oo ku wajahan Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa la filayaa in maanta oo Arbaco ah gaaro magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG maamulka Jubaland.

Yamamoto, waxaa ku wehlinaya booqashadiisa Kismaayo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], General Stephen J. Townsend, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay kawada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab iyo xiisadda ka taagan gobolka Gedo.

Warar hoose oo warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay in Jubaland ay u gudbin doonto safiirka dowladda Mareykanka ashtako ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku aadan duulaanka ay ku qaadey Gedo.

Dowladda Mareykanka ayaa dagaal kula jirta kooxaha argagaxisada Soomaaliya, waxaana khilaafka ka taagan Jubaland uu dhabar-jab ku noqday howlgalka ciidamadeeda ee ka dhan ah Al-Shabaab-ka ku sugan gobollada Jubbooyinka.

Booqashada Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto, ee Kismaayo ayaa kusoo beegmaysa kadib markii uu isbedel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku aadan maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Qoraal ay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho dhawaan soo saartay ayay Axmed Madoobe ugu yeertay Madaxweyne, halka markii hore ku tilmaami jirtay "hogaamiye", taasoo ka dhigan in Mareykanka aqoonsaday natiijada doorashadii August 2019 ka dhacday Kismaayo.

Isbedelkan ayaa yimid kadib markii Donald Yamamoto uu cambaareyn kala kulmay dhinacyada saamileyda Siyaasadda Soomaaliya [political stakeholders] taageeridda doorashadii Qoor-Qoor ee xilka Madaxweynaha Galmudug.

Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Madaxweyne Farmaajo inuu la shaqeeyo maamulka uu hogaamiye Axmed Madoobe, islamarkaana xalka degdeg ah laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya. Halkan ka akhri warbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM