Wajeer: Gabar 17 jir ah oo markii ay diiday Guurka 55 Jir la dilay

Image

WAJEER, Kenya - Dhacdo argagax leh ayaa laga soo wariyay magaaladda Wajeer ee gobolka Waqooyiga Bari ee dalka Kenya, halkaasoo lagu dilay Gabar Yar oo 17 jir ahayd.

Gaala Aadan Cabdi ayaa laga soo afduubey xerada qaxootiga Dhagaxley, oo Dhadhaab katirsan, waxaana la geeyay meel 150Km u jirta oo Tuulo ah, oo lagu magacaabo Wara Ademasajida si loogu guuriyo Maxamed Qaasim Tifow oo 55 jir ah.

Markii ay aragtay ninkan odeyga ah ayay diiday guurka, waxaana diidmadeeda usoo jiiday jirdil joogto ah mudo 27 maalin, kaasoo markii dambe u dhimatay, sida qoyskeeda ay sheegeen, waxaana kadib la gubey meydkeeda si raadka loo baabi'iyo.

"Habeen walba waa la i garaacaa, 24 saac igama daayaan, kani ahan nin aan u qalmo inaan guursado, waa la igu soo qiyaameeyay guurkiisa," ayay Gaala ku tiri fariintii ugu dambeysay ay cod ahaan ugu dirtay waalidkeeda kahor inta aan la dilin.

Waxay Gaala wicitaankii ugu dambeeyay wacday hooyadeeda iyo adeerkeeda 22-kii bishan, iyadoo u sheegtay inay khatar ku jirto nolosheeda. Saacado kadibna, qof qaraabada ah ayaa qoyska wacay oo u sheegay in Gaala la dilay.

Baaritaanka lagu sameeyay meydkeeda ayaa muujiyay in la dilay Gabadha kahor inta aan lagubin. Booliska ayaa xiray ninka loo guuriyay sida qasabka ah Maxamed Qaasim, oo su'aallo la waydiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garaad Jaamac oo ka digay in Khilaafka Soomaalida uu fursad u noqdo Israel 

Hadalkan ayaa uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Puntland.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 01:44PM

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM