Wajiga aysan qaban kaamiradda ee xabsiga Muqdisho

Image
Image
Saxaafadda ayaan inta badan dhacdooyinka noocaan ah kasoo tabin jeelka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxaabiistii ugu horeysay ayaa Khamiista maanta ah waxay sodon sano kadib ka qalin-jabisay machakad ku dhex-yaala xabsiga dhexe ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Munaasabad lagu soo bandhigay qalin-jabinta 23-kan maxaabiis oo ka aflaxdey waxbarashada heer dhexe ayaa lagu qabtey gudaha xabsiga dhexe waxaana ka qeybgalay mas'uuliyiin kala duwan.

Jeneraal Daahir Cabdulle Raagge, taliyaha xabsiga, ayaa sheegay in machadkan lagu magacaabo Rajo ay dhigtaan 98 maxaabiis oo 30 kamid ah ay bartaan Computer-ka 68-ka kalana tacliinta aas-aasiga.

Taliyaha ciidanka asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlay munaasabadda, ayaa xusay in maxaabiista qalin-jabisay hadda kadib loogu yeeri doono "ardayda wax baratay ee xabsiga joogta".

"Anaga ninka fiican wax badan ayaan u haynaa. Waa laga yaabaa in qaar idinka mid ah ay fiicnaadaan markii ay halkan yimaadeen laakiin magacyadooda ma sheegayo," ayuu carabka ku dhuftey.

Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda oo qudhiisa hadal-jeedin ka sameeyay xafladda, ayaa u hambaleeyay qalin-jabiyeyaasha wuxuuna adkeeyay in lasii waddo waxbaridda maxaabiista.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa lagu tilmaamaa kan ugu weyn caasimada waxaana lagu xiraa inta badan shaqsiyaadka loo maxkamadeeyo dambiyada culus sida argagixisanimada iyo dilalka.

Munaasabadda maanta ka dhacdey ayaa bixinaysa sawir kale kaasoo ah in uu ka dhex-socdo olole lagu soo saarayo jiil laga yaabo in uu mustaqbalka waxtaro qaranka ama nolol loogu abuurayo muwaadiniin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM