Wakiilada UN iyo Midowga Afrika oo la kulmay Xaaf [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Wakiiladda Jamciyada Qurumaha ka dhaxeyso iyo Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Soomaaliya oo maanta gaarey magaalada Galkacayo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle [Xaaf].

Shirka ay yeesheen dhinacyadda oo ay dibad joog ka ahaayeen masuuliyiinta kale ee Galmudug ayaa diiradda lagu saarayo is-marin-waaga siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Nicholas Haysom, Ergayga UN-ka oo uu wehliyo ku xigeenkiisa iyo Safiirka Midowga Afrika, Francisco Madeira ayaa lagu waramayaa inay Xaaf wax la waydiiyeen tabashooyinka uu ka qabo dowlada Federaalka.

Masuuliyiinta ayaa isla soo qaaday sida ugu wanaagsan ee xal loogu gaari karo khilaafka sii dabadheeranaya, iyaga oo is-weedaarsaday fekerado ku xeeran qaabka ugu haboon ee lagu dabar-goyn karo khilaafka.

Fahfaahinta laga helayo natiijada kasoo baxay kulankaan gaarka ah ayaa sheegaysa in masuuliyiinta arrimaha ay miiska soo saareen ay kamid tahay wadahadal ay yeesheen dowlada iyo maamul goboleedyadda.

Xogta uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in masuuliyiinta qodobada ay lafagureyn ku jiro xasarada siyaasadeed ee udhaxeysa hogaanka Galmudug, oo haatan ay socoto dadaalo lagu xalinayo.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu xusay in Haysom iyo Francisco Madeira ay soo gabagabeeyeen safarada ay ku marayeen caasimadaha maamul goboleedyada, kuwaasi oo dabranaa xalinta muranka siyaasadeed ee taagan.

“Gabagabada kulamo wadajir ah, Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira, waxay Galkacayo ay kula kulmeen Madaxwayne Axmed Geele Xaaf, oo ay kawada hadleen heerka xiga ee wada-xaajoodyada dowlada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaramada Midoobay ayaa isku dayeysay inay soo dabar-goyso khilaafka qarka u saaran inuu daxaleysto ee udhaxeeya maamul goboleedyada, xili ay dhinacyo kale oo uu hogaaminayo Aqalka sare ee dalka ay ka wadaan dadaalo lamid ah midka saaxiibadda Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM