Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Image

MUQDISHO - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa walaac xooggan ka muujiyey heshiiska shidaal baarista ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, xilli uu markabka casriga ah ee Çağrı Bey soo galay biyaha dalka.

Xildhibaanka ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid "aan dheellitirnayn," isagoo ka digay inuu meel ka dhac ku yahay danaha qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in heshiisku uu qoondaynayo in ka badan boqolkiiba sagaashan (90%) ka mid ah faa'iidada shidaalka hal dhinac oo kaliya, taas oo meesha ka saaraysa dakhli muuqda oo ay Soomaaliya heli lahayd.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in aanu jirin nidaam cad oo lagu qeexayo canshuuraha laga rabo shirkadaha ama mashaariicda lagu horumarinayo bulshada, isagoo intaas ku daray in heshiiskaas uu ka dhex muuqdo hufnaan la’aan baahsan.

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state, gaar ahaan gobolka Mudug.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddo-xileedka hoggaanka sare ee dalka uu gaba-gabo yahay, taas oo dhalisay su'aalo badan oo ku saabsan masiirka khayraadka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM