Waqtiga la dooranayo hogaanka Galmudug garabka DF oo la bedelay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashada baarlamaanka labaad ee Galmudug, garabka dowladda federaalka, ayaa muddo saddex cisho ah dib u dhigay coddeynta madaxtinimada.

Xildhibaan Maxamed Xuseen, oo guddiga u hadlay, ayaa sababta ku sheegtay codsi kaga yimid murashaxiin sagaal gaaraya iyo guddoonka Golaha Wakiilada maamulkaas.

"Doorashadda madaxweynaha waxay dhaceysaa maalinta Axada ah hadii uu ALLE raali ka noqdo," ayuu mudanaha ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in sababta keentay dib u dhacaan ay tahay cadaadis dowlada federaalka kaga yimid Beesha Caalamka oo ah in aysan qaadi talaabo aan loo dhameyn.

Garabka taageersan dowlada federaalka ayaa lagu wadday in doorashada madaxweynaha u qabsoonto Khamiista, 30-ka Janaayo, 2020.

Murashaxiinta uu diiwaan-geliyey guddigaan ayaa maanta la hadlay baarlamaanka ay aqoonsan tahay xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre.

Deeq-bixiyeyaasha oo ku baaqay tanaasul iyo wada-hadal ayaa la sheegay in aysan ictiraafi doonin natiijo kasta oo kasoo baxday doorashooyinka is-barbar socda ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Dib u dhigista ayaa imaaneysa iyaddoo Ahlu Sunna ku dhawaaqday in ay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan u doorteen hogaamiyaha afarta sano ee soo aadan majaraha u hayana Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM