War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Image

Beled Xaawo, Gedo – Dagaal cusub ayaa maanta ka dhacay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland. Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii helikobtar militari oo sida la sheegay siday saraakiil ka tirsan dowladda federaalka uu kusoo degay magaalada.

Diyaaraddan ayaa la rumeysan yahay inay keentay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin cidda ay yihiin iyo ujeedada socdaalkooda. Wararka ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu ku jiro go'doon, islamarkaana la filayo inuu ka baxo magaaladda.

Saraakiil si hoose ula hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradda ay ka timid magaalada Muqdisho, balse wali lama xaqiijin karo in saraakiishaasi ay la xiriirto howlgalka ka socda Gedo ama inay tahay booqasho siyaasadeed oo aan hore loo shaacin.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in dagaalka uu socday muddo saacado ah, iyadoo la isku adeegsaday hub culus. Lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay, balse dad badan ayaa la arkayay iyagoo ka qaxaya magaalada, waxaana jira cabsi laga qabo in dagaalku sii socdo.

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan xaafadaha qaar ee Beled Xaawo ay barakaceen, iyagoo u qaxay tuulooyin iyo xadka Kenya.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo—dowladda federaalka iyo Jubbaland—iyadoo xaaladda magaalada ay tahay mid weli kacsan.

Hay’adaha gargaarka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bini’aadanimo ee kasii dareysa ee Beled Xaawo, iyadoo boqolaal qoys oo rayid ah ay qaxeen, islamarkaana aanay jirin meelo ammaan ah oo ay u hoydaan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qoysaska qaarkood ay gaareen xadka Kenya, halka kuwa kalena ay isku dayayaan inay u gudbaan tuulooyinka deriska la ah si ay uga badbaadaan waxyeello. 

Beled Xaawo ayaa horey u aragtay dagaallo noocan oo kale ah, iyadoo gobolka Gedo uu marar badan noqday meel lagu muransan yahay oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya xaaladda amni ee meesha ka jirta iyo saameynta ay ku yeelanayso noloshadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM