War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh
KISMAAYO, Soomaaliya — Shirkii Aayo-Katashiga Soomaaliyeed ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ayaa soo saaray war-murtiyeed ballaaran oo muujinaya kala fogaansho sii kordhaya oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah hoggaanka siyaasadeed ee dalka.
Shirka, oo socday intii u dhaxaysay 18 ilaa 20 December 2025, waxaa ka qeybgalay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, xubno mucaarad ah, siyaasiyiin madaxbannaan, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la qiimeeyo xaaladda siyaasadeed, amni, doorasho iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.
War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay in uu ku guuldarreystay hoggaamin siyaasadeed, midnimo qaran, iyo ilaalinta nidaamka dastuuriga ah. Ka-qeybgalayaasha ayaa sheegay in go’aanno siyaasadeed oo hal dhinac ah ay wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo wadajirka qaranka.
Shirka ayaa si cad u adkeeyay in Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay saldhigga kaliya ee sharciyadda dowladnimo, islamarkaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo lagu hareer marayo ama lagu beddelayo si aan wadatashi qaran ku dhisneyn.
Arrimaha doorashooyinka ayaa ahaa qodob si gaar ah diiradda loo saaray. War-murtiyeedku wuxuu ka digay qabashada doorashooyin ku kooban hal deegaan, gaar ahaan Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay tallaabo ka hor imaaneysa dastuurka iyo nidaamka federaalka. Halkii, wuxuu ku baaqay hannaan doorasho oo loo dhan yahay, laguna saleeyo heshiis qaran.
War-murtiyeedku wuxuu sidoo kale si cad u sheegay in muddo-xilleedka Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14ka April 2026, halka kan Madaxweynaha uu ku egyahay 15ka May 2026. Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in aysan marna aqbalayn wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ah, isaga oo ku sababeeyay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay horseedi karto xasillooni-darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah, iyo qalalaase amni.
War-murtiyeedka ayaa si gaar ah u xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga sugayo inuu ugu dambeyn 20ka January 2026 isugu yeero shir qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka dastuuriga ah. Ka-qeybgalayaasha ayaa sheegay in haddii aan tallaabadaas la qaadin waqtigaas, ay sii wadi doonaan hannaan wada-tashi oo u gaar ah.
Dhanka amniga, war-murtiyeedku wuxuu muujiyay taageero la xiriirta la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, balse wuxuu ka digay in arrimaha amniga loo adeegsado dano siyaasadeed. Waxaa la adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta rayidka, xuquuqda aadanaha, iyo dhexdhexaadnimada hay’adaha ammaanka.
Ugu dambeyn, shirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeradooda ku saleeyaan dastuur, wada-tashi siyaasadeed, iyo xasillooni waarta, isagoo ka digay in tallaabooyin aan loo dhaneyn ay sii xoojin karaan kala qeybsanaanta siyaasadeed.
GAROWE ONLINE