War-murtiyeedkii Kismaayo oo sii kala fogeeyay madaxda Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxda horey isku-khilaafsan ee Galmudug ayaa waxaa sii kala fogeeyay War-murtiyeedkii kasoo baxay 8-dii bishan shirkii Kismaayo ugu soo gabagaboobay madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaan Cali Gacal Casir ayaa si cad uga soo horjeestay go'aanka uu qaybta ka ahaa Madaxwayne Xaaf, iyagoo la saftay dowladda Federaalka.

Qodobadda ay sida gaarka ah uga soo horjeesteen Carabey iyo Xaashi ayaa kala ah; midka xiriirka loogu jaray Villa Soomaaliya iyo mid la sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin khaawan ku hayso madaxda maamul goboleedyadda.

Tani ayaa keentay in qayb kamid ah Xubnaha Baarlamaanka maamulka Galmudug, kuwaasoo daacad u ah Madaxwayne Xaaf ay Mooshinka ka gudbiyaan Gudoomiye Cali Casar, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu saddex bilood ka maqan yahay Galmudug.

Xiisadda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maan muuqato dadaalo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo khilaafka oo marka hore ka dhashay Awood-qaybsiga maamulka, kaasoo la sheegay inuu ku xadgudbay Madaxwaynaha Galmudug.

Kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa ka soconaya magaalooyinka Galmudug, gaara ahaan caasimadda Dhuusamareeb, iyadoo wararku ay sheegeyaan in khilaafka uu gaarey heerkii ugu sareeyay.

Warar lagu kalsoonan karo oo uu helay Warsidaha Garowe Online waxay sheegayaan in Xilldhibaanadda Galmudug gaar ahaan kuwa Mooshinka gudbiyey ay wadaan abaabulka kulan la doonayo inay ku shaaciyaan inay xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM