Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qarax ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Qarax Is-miidaamin ahaa ayaa saaka gilgilay degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose kaasi oo ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Booliska ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Gaari nooca loo yaqaano Noohada [Toyota NOAH] lagu qarxiyay afaafka Saldhig Ciidamada Militeriga dowladda Federaalka ku leeyihiin gudaha degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay, lix kalena way ku dhaawacmeen qaraxa Is-miidaaminta ah kaasi oo mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al Shabaab.

Askarta ku sugnayd Irida Saldhigga ayaa kuwii ka badbaaday qaraxa u sheegay GO in Gaariga lagu soo weeraray lasoo saarey Ari badan, si aan looga shakin, balse markii Ciidamada ay joojiyeen uu qarxiyay.

Waxay wararka qaar sheegayaan in khasaaraha uu ka badan karo inta hadda la sheegay ee ah labada Askari, maaadaama wali war kasoo bixin Saraakiisha Ciidamada Militeriga ee maamula Saldhigga.

Weerarkan ayaa dhacay xilli shacabka Afgooye isku diyaarinayeen saaka Salaadda Jimcaha, iyadoo uu magaalada geliyay qal-qal iyo casbi maadaama horey dhowr jeer Al Shabaab ula wareegtay gacan ku heynta degmada kadib weeraro ay kusoo qaaday.

Kooxda Al Shabaab ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay magacaabista Taliye-yaasha cusub ee Nabad Sugida iyo Booliska bishii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku soo qaadayso xaruumaha dowladda iyo qaraxyadeeda magaalada Muqdisho.

Maalinta Shalay, Al Shabaab ayaa Qarax Gaari ka fuliyay Saldhiga Ciidamada NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheer, waxaana ku dhintay weerarkaasi ugu yaraan labo qof. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM