Wararkii ugu dambeeyay Qarixii ka dhacay Siinka Dheer

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Siinka Dheere, ee duleedka magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa kaasi oo ku qarxay Barta Koonatrool ee Ciidamada NISA ku leeyihiin Siinka Dheer.

War qoraal ah oo kasoo baxay Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida, ayaa lagu sheegay in qaraxa ay dil iyo dhaawac ugu geesteen in ka badan 20 Askari, oo NISA katirsan.

Qaraxa ayaa wararka madaxa-banaan waxay sheegayaan inuu dhacay kadib markii Ninkii waday Gaari uu ku dhacay baaritaan lagu sameynayay Gaadiidka ka yimaada dhanka gobolka Shabeellaha hoose, isagoo markii uu arkay inuusan ka gudbi karin isqarxiyay.

Illa hadda ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya kasoo saartay khasaaraha weerarka lagu qaaday Askarteeda ku sugan Siinka Dheer, kaasi oo kusoo beegmaya wax ka yar Todobaad markii weeraro qaraxyo ah ka dhaceen afaafka Villa Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa ahayn mid xasilan, oo aan ka dhicin wax qaraxyo ah kahor inta aan la magacaabin Taliye-yaasha cusub ee Nabad Sugida iyo Booliska bishii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM