Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii gilgilay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya, maanta oo Sabti ah.

Qaraxa koowaad ayaa laga soo wariyey meel ku dhow isgoyska Sayidka ee magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca, halkaasi oo uu ka dhow-yahay dhismaha Golaha Shacabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu dhacay iyadda oo Xildhibaanada ay kasoo baxayeen fadhigii ay maanta lahaayeen.

Saraakiisha amniga ayaa laga soo xigtay in qaraxan uu dhacay iyadda oo darawalka uu isku dayey in uu si xoog ah ku dhaafo kontaroolka oo laga ilaaliyo amniga baarlamaanka.

Dhanka kale, qaraxa labaad ayaa waxa lasoo sheegay in uu ka dhacay Galbeedka halka uu ka dhacay midka koowaad.

Ciidamada ammaanka ayaa joojiyey gaariga uu ka dhashay qaraxa labaad xili darawalka su'aalo lagu waydiinayey isgoyska KM 4 ee bartamaha Muqdisho.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradaan oo imaanaya iyadda oo muddo bil ah ay xasilooneyd caasimadda.

Khasaaraha dhimasho ee ay geysteen weeraradan ayaa waxaa wali ku socda tirakoob, sidda ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Tan iyo markii Muqdisho laga saarey sanadkii 2007-dii, qaraxyadda iyo dilalka qorsheysan ayaa waxay ahaayeen weerarada kaliya ee ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM

Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 10:09AM